Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Berbera: Dhalinyaro rasaas ku furtay booyad shidaal

Wararka ka imanaya gobolka Saaxil ee Somaliland ayaa wax ay sheegayaan in wadada isku xirta magaalooyinka Berbera iyo Hargeysa maanta dabley hubeysan ay ku xabadeeyeen booyad shidaal.

Sidoo kalana ay dabley kale rasaas ka rideen saaka wadada u dhaxaysa Berbera iyo magaalada Sheekh.

Maamulka gobolka Saaxil ayaa sheegay in ay daba joogaan dableydaasi weerarka gaysatay.

Arrintan ayaa waxa ay imanaysaa kaddib markii shan nin oo ka soo jeeda deegaanka Berbera midkiiba min hal bil oo xadhig ah lagu xukumay, iyagoo ka soo horjeeda go'aanka xukuumadu ugu wareejisay haamaha keydka shidaalka ee Berbera shirkado ganacsi oo aan tartan furan soo marin.