Tijaabo lagu samaynayo faa'iidada aspirinka ee Kansarka

Lahaanshaha sawirka SPL
Image caption Dood badan ayaa ka jirta faa'iidada uu aspirinka u leeyahay Kansarka.

Tijaabadii ugu waynayd ee laabka lagu sameeyo ayaa lagu baarayaa in kaniiniga aspirinka maalin walba la qaato inuu joojin karo kansarka inuu soo noqdo.

Daraasaadka oo lagu qabanayo Britain, ayaa isticmaali doona kow iyo toban kun oo bukaan oo laga daawaynayo ama goor dhow dhamaystay daawaynta Kansarka ugu badan.

Shan sanno gudaheed, daraasaadka ayaa isku eegi doona dad qaadanaya 300 oo miligaram oo aspirin maalin walba, dad qaadanaya 100 miligaram oo aspirin iyo dad qaadanaya placebo oo aan waxba ka tarayn.