Qaxooti badan oo imanaya Slovenia

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Qaxootiga yimid Slovenia.

Boliiska Slovenia ayaa sheegay in in kabadan laba iyo toban kun oo qaxooti ay yimaadeen waddanka labaatan iyo afartii saac ee ugu danbaysay.

Tiradan ayaa soo baxday iyadoo Gudoomiyaha Yurub ee socdaalka dadka, Dimitris Avramopoulos, uu booqanayo Slovenia maanta si uu ugala hadlo caawinaada Midowga Yurub uu ka siin karo qaxootiga waddanka imanaya.

Wasiirka arrimaha gudaha ayaa waydiistay Midowga Yurub caawinaad siday u maamuli lahaayeen dhaqdhaqaaqa dadka.

Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee socdaalka dadka, Peter Sutherland, ayaa sheegay in loo baahan yahay taageero Midowga Yurub oo wadajir ah si wax looga qabto dadka badan ee imanaya Yurub.