Heshiis wax looga qabanayo qulqulka muhaajiriinta

Lahaanshaha sawirka Getty

Hogaamiyeyaasha dalalka bartamaha Yurub iyo kuwa Balkanska ayaa isku raacay qorshe 17 qodob ka kooban oo wax looga qabanayo mushakilka dadka muhaajiriinta ah.

Waxaa ka mid ah in cunno iyo hoy la siiyo 100,000 oo qof oo daadsan halka loo sii maro balkanka, ayadoo kala bar dadkaasna ay joogaan Giriigga.

Dalalka ayaa sheegay inay sare u qaadayaan ilaalinta xuduudaha oo ay hagaajinayaan iskaashigooda.

Madaxweynaha Guddiga Midowga Yurub Jean-Claude Juncker, ayaa dalalka Balkanska ugu baaqay in aysan si jahwareer leh isu soo dhaafin qaxootiga.

Waxaa la soo jeediyay in Turkiga uu qaado tallaabooyin uu ku xakamaynaya qulqulka muhaajiriinta ka talaabayso xadkiisa si ay u gaaraan Giriiga.

Isbuucii la soo dhaafay dalka Giriiga waxaa maalin walba soo gaaraysay 9 kun oo muhaajiriin ah, taasoo ah tiradii ugu badnayd tan iyo billowgii sandkan.