Khasaaraha dhulgariirkii Pakistan iyo Afghanistan

Lahaanshaha sawirka BBC afghan

Kooxaha samatabixinta ayaa loo diray deegaannada fogfog ee waqooyiga Pakistan iuo waqooyiga bari ee Afghanistan oo uu ku dhuftay dhulgariir ilaa hadda la og yahay inuu dilay ugu yaraan 260 qof.

Geerida dadka la xaqiijiyey inay dhinteen ayaa badi ka dhacday Pakistan.

Boqollaal kale ayaa ku dhaawacmay. Muuqaal la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujinaya tiro dhul go'yo ah iyo dhismeyaal waxyeello soo gaartay.

Janu Rao waa agaasimaha hay'adda Concern Woldwide ee Afghanistan ayaa sheegayaa in dhibaatada ka dhalatay dhul gariirka weli la qiimaynayo.