Yemen: MSF oo sheegtay in la weeraray isbitaalkeeda

Image caption MSF ayaa sheegtay in la burburiyay dhamaan isbitaalkii Saada.

Hayadda gargaarka caafimaadka ee MSF ayaa sheegtay in mid ka mid ah isbitaaladeeda waqooyiga Yemen ay dhowr goor weeraraeen diyaaradaha Sucuudiga.

Hayadda ayaa sheegtay in dhowr shaqaale iyo bukaan ay ku jireen dhismaha markii ay diyaaradaha weerareen isbitaalka oo ku yaala Saada, oo ay maamulaan mucaaradka Xuutiga.

Wararka ayaa sheegaya in isbitaalka oo dhan, qalabkii iyo daawooyinkii la burburiyay. Ma jiraan hadal ay soo saareen isbahaysiga uu hogaaminayo Sacuudiga.