Iran oo ka qayb galaysa shirka Suuriya

Lahaanshaha sawirka
Image caption Dagaalka Suuriya ayaa dilay in kabadan 250.000 oo qof waxuuna barakiciyay 11 milyan.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran ayaa sheegay in Iran ay ka qayb gali doonto wadahadalka Suuriya toddobaadkan. Waxay sheegtay in wasiirka arrimaha dibadda Moxamed Javad Zarif, uu ka qayb gali doono wadahadalka oo Jimcahan ka dhacaya Vienna.

Waa markii ugu horaysay ee ay Iran oo taageerta madaxweyne Assad ay ka qayb galayso wadahadal caalami ah ee Suuriya.

Iran ayaa dhawaan kordhisay howlaha milatari ee lagula dagaalamayo kooxda IS. Qaar kamid ah mucaaradka Suuriya ayaa sheegay in ka qayb galka Iran ee wadahadalka ay arrinta sii adkaynayso.