Kenya oo Ururro NGO ah kala noqonaysa aqoonsi

Kenya ayaa kala noqonaysa aqoonsiga in kabadan sagaal boqol oo ururro samafal ah, iyadoo lagu eedeynayo in in kabadan laba boqol oo milyan oo dollar ay ka maqnaatay markii xisaabin la sameeyay.

Gudiga Kenya ee xiriirinta hayadaha gargaarka ayaa sheegay in hayaddaha qaar ay xadeen lacagtii gargaarka, halka kuwa kalena looga shakisan yahay inay lacago sharci daro ah ay diraan iyo inay lacag ku taageeraan argagixisada.

Bishii Decembar ee sanadkii hore gudiga ayaa xayiray inka badan shan boqol oo hayadood xisaabtoodii bangiga.