Baaritaanka diyaaraddii ku burburtay Masar

Lahaanshaha sawirka EPA

Shirkadda laga leehay Ruushka ee lahayd Diyaaraddii ku burburtay gacanka Sinai ee dalka Masar ayaa sheegtay in awood ka baxsan gudaha diyaarada oo kali ah ay ka dhalan karta in diyaarada ay hawada ku burburto.

Sarkaal sare oo ka tirsan shirkadda diyaaradaha e MtroJet, Alexander Smirnov, ayaa meesha ka saaray in diyaaraddu u burburtay cilad ku timid ama khalad ka dhacay duuliyihii diyaaradda.

Afhayeenka madaxweyne Putin, Dmitry Peskov, ayaa ku baaqay in laga war sugo baaritaanka rasmiga ah balse, waxuu intaasi raaciyay, inaysan jirin fikir ay meesha ka saarayaan.

Mayaydadka in kabadan 140-kii qof ee ku dhimatay burburkii diyaaradda ee ka dhacay dalka Masar ayaa loo sii qaaday magaaladii ay ka soo jeedeen ee St Petersburg.