Xisbiga Talada Haya ee Turkiga oo guuleystay

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Ra'iisul wasaaraha Turkiga oo ka hadlay xarunta xisbigiisa ee Ankara

Xisbiga haya talada dalka Turkiga ee AK, ayaa billaabay qorsho uu ku soo dhisaya dawlad kadib markii shalay oo Axadd ah uu si la yaab leh ugu guuleystay doorashooyinkii baarlamaanka.

waxa uuna dib u helay aqlabiyaddii uu lumiyay muddo shan bilood ah ka hor.

Durbaba lacagta Lira ee dalka Turkiga ayaa sare u kacday oo gaartay heerkii ugu korraysay muddo 7 sano ah.

Natiijada doorashadani ayaan si rasmi ah loo shaacin doonin muddo toddobo beri ah gudahood, balse maadaama la xisaabay ku dhawaad dhammaan codadkii la dhiibtay, waxa uu xisbigani AK helay ku dhawaad 55% codadkii la dhiibtay, taasi oo micneheedu yahay in xisbigu uu haatan awoodo inuu hantay baarlamanka dalkaasi ee ka kooban 550 kursi.

Guushaasi ayaa xoojin doonto awoodda madaxweyne Racceb Tayyib Erdogan oo aqlabiyaddaasi uu xisbigiisa helay ku tilmaamay cod loo qaaday xasiloonida iyo farriin loo diray maleeshiyaadka Kurdishka ah taasi oo ah in rabshaduhu aysan marnaba la jaan qaadi karin dimuquraadiyadda.

Magaalada dhanka bari ku taalla ee Diyarbakir, baliis ayaa sunta dadka ka ilmeysiisa ku kala ceyriyay taageerayaasha xisbiga Kurdiyiinta oo sheegay inay ka niyad jabeen natiijada doorashada.

Dibad baxayaasha dhankooda waxa ay baliiska ku tuurayeen dhagxaan iyo baaruud.

Mucaaradka dhankooda waxa ay qirteen in doorashada looga adkaaday, waxayna tilmaameen in xisbiga talada haya ay kula xisaabtami doonaan tallaaba kastaa oo uu qaado.