Maxkamad racfaan oo go'aan ka gaareysa Pistorius

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Oscar Pistorius hadda waxa uu ku xiran yahay gurigiisa

Maxkamadda sare ee racfaanka ee dalka Koofurta Afrika, ayaa maanta go’aan ka gaari doonta in Oscar Pistorius lagu oogi doono dacwad ah inuu dil bareer ah geystay oo eediisu waysan ahayn dil shaki ah, kaddib markii 2013kii uu saaxiibadiisa dilay.

Ninka ka qeybgali jiray ciyaaraha fudud ee curyaaniinta ayaa dhowaantan ay u bilaabatay shan sano oo xabsi guri ah, sanad ka mid ahna xabsiga ayey ugu soo dhammaatay.

Haddii maxkamaddaasi ay ogolato in eediisa ay tahay dil inuu geystay, waxaa dib loogu celindoonaan xabsiga oo 15 sano uu ku xirnaan doono.