Sierra Leone oo ka baxaysa xayndaabkii Ebola

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Kumannaan qof ayaa Sierra Leone ugu dhimatay cudurka Ebola.

Dadka Sierra Leone ayaa waxa ay bilaabeen in ay dabaaldegaan xilli la filayo in maalinta Sabtida ah lagu dhawaaqo in dalkaasi uu ka baxay xayndaabkii cudurka Ebola.

Hasayeeshee hay’adda samafalka caafimaad ee Dhakhaatiirta aan Xuduudda lahayn ee MSF, ayaa sheegaysa in ilaa iyo boqolkiiba 8 dadka ka badbaaday caabuqa cudurka Ebola ay ka cabanayaan dhibaatooyin sida kalagoysyada oo xanuuna iyo daal.

Dadka qaarna waxaa lagu soo warramay in ay aragoodii waayeen.

Cilmi-baarayaasha ayaa waxa ay isku dayaan in ay baaraan sababta arrintan keentay.

Kooxaha ka badbaaday caabuqa Ebola ayaa waxa ay sheegayaan in dhibaatada ugu weyn ee haysata ay tahay sharaf dhac iyo cuqdad nafsi ay ka dhaxleen cudurka, taasi oo ay ka mid tahay in ay dareemaan dambi ah in ay badbaadeen halka dadkii kale ee uu cudurka ku dhacay ay dhinteen.