Ammaanka Sharm el-Sheikh oo la adkeeyey

Lahaanshaha sawirka Getty

Baaritaan adag ayaa waxa ay ka sameeyeen booliska maxaliga ah ee dalka Masar, gegida diyaaradaha ee magaalada dalxiiska loo tago ee Sharm el-Sheikh, iyada oo Britain ay isu diyaarinayso in ay dib u soo celiso kumannaan muwaadiniinteeda ah oo halkaasi ku xayiran.

Tallaabooyin dheeraad ah oo dhanka amniga ayaa la soo rogay, rakaabkana waxaa loo oggaaladay in ay diyaaradda la caaraan waxyaaba fudud oo gacanta lagu qaadan karo, halka boorsooyinka waa weyn la baarayo lana saarayo diyaaarado kale.

Dowladda Britain ayaa waxa ay joojisay diyaaradaha u socda kana imaanaya Sharm-el-Sheikh, kaddib markii diyaarad rakaab sidday oo laga leeyahay Ruushka ay ku burbutay sabtidii dalka Masar.

224-qof oo saarnaa diyaaradda ayaa dhintay dhammaantood.