Dhawaq laga maqlay diyaaraddii dhacday

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Dalxiisayaal badan ayaa isaga baxay Masar, kaddib markii ay burburtay diyaaraddii Ruushka

Masar ayaa xaqiijisay warar sheegaya in dhawaq laga maqlay macluumaadka uu duubay sanduuqa madow ee diyaaraddii todobaadkii hore Ruushka kaga burburtay saxaraha Siinaay.

Ayman el Mokadem oo ah ninka horkacaya baaritaanka lagu ogaanayo waxa dhaliyay shilka diyaaraddii Ruushka ee ku dhacday Siinaay, ayaa sheegay in burburka diyaaradda uu ku baahay dhul masaafadiisu gaareyso 8 mayl.

Tani ayaa muujineysa in diyaaraddu ay burburtay xilli ay ku duuleysay joog aad u sareeya sare.

Waxa uu intaa ku daray in qalabka ku xiran sanduuqa madow ee diyaaradda uu ilbiriqsiyadii ugu dambeeyay duubay shanqar aan la fahmin oo diyaaradda dhaxdeeda ah.

Khubarada shilalka diyaaradaha ayaa sheegaya in ay sahlan tahay in la ogaado in shanqartaasi ay tahay qarax bambaano iyo in kale.

Xukuumadda Masar ayaa sheegaysa in weli aan go'aan laga gaari karin waxa dhaliyay burburka diyaaradda, waxaana ay dhaliil u jeedisay dalal Yurub ku yaalla oo aanay magacaabin, kuwaas oo ay ku eedeysay in aanay la wadaagin xogta sirdoonkooda.

Britain iyo Mareykanka ayaa tuhunsan in bambaano lagu soo riday diyaaradda.

Diyaaradda oo kasoo duushay magaalada Sharm al-Sheikh kuna socotay St Petersburg ayaa burburtay 23 daqiiqo markii ay hawada ku jirtay, waxaana ku dhintay dhammaan 224-kii qof ee saarnaa.