Talaalka cusub ee Duriga

Lahaanshaha sawirka PA

Talaal cusub oo ka xoog badan kii hore ee duriga ayaa laga hirgalinayaa dalka Australia sanadka 2016ka, ka dib markii dad badan uu sanadkan soo ritay hargab.

Talaalkan ayaa loogu talo galay afar nooc oo Viruska hargabka keenya ah halka kii hore uu ka hortagi jiray oo kaliya seddex nooc.

Xiligii jiilaalka intii lagu guda jiray sanadkan 2015kii ayaa dalka Australia waxaa uu hargabku soo ridtay 90,000 oo qof, taas oo 25,000 ka badan dadka uu harkabku ku dhacay sanadkii hore ee 2014kii.

Talaalka hargabka ee Britain ayaa dadka waaweyn ka difaaca seddex nooc sida ay ku talo bixisay hay'adda caafimaadka Addoonka ee WHO. Hase ahaatee, Australia ayaa bedeshay isticmaalka talaalkaasi.

Qaramadda Midowbay ayaa ka baaraandegta nooca Viruska ee lagu darayo talaalka ka hor inta aan la gaarin xiliga lagu yaqaano in uu hargabaasi bilowdo.

Xiligii Jiilaalka ee Australia ee dhawaa ayaa inta badan keysaska waxay ka dhasheen nooca Bda loo yaqaano ee Viruska.

Taas oo ay ka dhalatay natiijada ah, in talaalka cusub lagu doro virusyada Brisbane Phuket B.

Sussan Ley oo ah Wasiirka Caafimaadka ee Australia ayaa sheegtay in la bilaabo talaalkan afartan virus ka dhanka ah uu macnihiisu noqonayo in qofka helo difaaca ugu munaasabsan ee suurogal ah oo si bilaasha lagu siin karo dadka u baahan.