Ammaanka Afrika oo looga shirayo Dakar

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Al-shabaab ayaa ka mid ah ururada ka dagaallama Afrika

Qaybtii labaad ee kulanka caalamiga ah ee nabadda iyo ammaanka Afrika ayaa maanta ka fumaya magaalada Dakar ee Senegal.

Muddo laba maalmood ah ayaa madaxweyneyaal, wasiirro, iyo khubaro milateri waxay eegi doonaan qaabka ugu haboon ee loo adkayn karo ammaanka iyo deganaanshaha Afrika.

Kulanka ayaa dhacaya ayadoo dhowr dal ay yihiin masraxa dagaallada ee sannadkan.

Waxaa sidoo kale looga gol leeyahay in qaaradda ay awood u yeelato xal u helida dhibaatooyinka gudaheeda ka taagan.

Qodobada xoogga la saarayo ayaa waxaa ka mid ah la dagaallanka xagjirnimada, maareynta xiisadaha, burcad badeedda iyo muhaajiriinta sharci darrada ah.

Waxaa la filayaa in gebagabada kulanka uu kasoo baxo hannaan qaaradda u gaar ah oo lagu xoojinayo ammaanka.