Talyaaniga oo Yurub ku xirxiray dad laga shakiyay

Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Booliska Talyaaniga

Booliska Talyaaniga ayaa sheegay in duulaan dad lagu soo qabqabtay ay ku qaadeen Yurub oo dhan, si ay u kala furfuraan shabakad jihaad doon ah oo dagaalyahanno u dirtay Ciraaq iyo Suuriya.

16 Kurdiyiinta Ciraaq ah iyo ruux u dhashay Kosovo ayaa lagu xiray howlgal laga sameeyay dhowr dal oo ay ku jiraan Talyaaniga, Britain iyo Norway iyo dad kale oo lagu xiray dalalka Finland, Switzerland iyo Jarmalka.

Booliska ayaa sheegay in kooxdu ay u diyaargaroobayeen fulinta weerraro lagu soo deynayo hogaamiyahooda daaciga asal raaca ah, ee lagu magacaabo Najmuddin Axmed Faraj kaasi oo lagu xiray dalka Norway.

Waxay sheegeen in dhowr ka mid ah kuwa laga shakiyay ay horay ugu safreen Ciraaq iyo Suuriya si ay uga dhinac dagaallamaan kooxaha jihaad doonka.