Kuuriyada Koonfureed magaalooyin loo xiray imtixaan dartii

Lahaanshaha sawirka
Image caption Boqolaal kun oo qof oo u dhalatay Kuuriyada Koonfureed ayaa waxa ay bilaabeen imtixaanaadka heer qaran oo u dhacaya hab layaab leh.

Boqolaal kun oo qof oo u dhalatay Kuuriyada Koonfureed ayaa waxa ay bilaabeen imtixaanaadka heer qaran oo u dhacaya hab layaab leh.

Dadka ku nool dalkaasi oo dhan ayaa caawinaya iyagoo shaqada bilaabana xilli dambe, si aanay wadooyinka u noqon mashquul.

Waxaa la joojiyay duulimaadyada si looga baaqsado qeylo.

Ardayda soo daahda ayaa waxaa iskuulada lagu geeyaa dhugdhugley ama mootooyinka booliska.

Qiyaastii lix boqol oo kun oo arday ah ayaa sameynaya imtixaan isku mid ah waxa ayna u fadhiisanyaan hal maalin, iyadoo la waydiinayo su’aalo ay kala xulan karaan.

Ardaydii saartaa calaamadda saxda meelaha ku haboon waxa ay galayaan jaamacadaha ugu wanaagsan, halka kuwa khaldana ay aanay heleen wax jaamacad ah.

Laga soo bilaabo Madaxweyne Obama iyo siyaasiyiin kale ayaa amaanay waxbarashada Kuuriyada Koonfureed, inkastoo qaar ka mid ah khubarada waxbarashada ay sheegayaa in hanaankan uu dhiirigalinayo in la barto caddeymo ka hor intii la baran lahaa sida wax loo abuuro oo loo fikiro.

Sidoo kale hannaankan waa mid aad u walaac badan.

Carruurta Kuuriyada Koonfureed ayaa imtixaanaadka ka hela natiijooyin sarsare sidoo kalana waxaa aad u sareeya heerka ardayda isdisha.