Xiisad ka taagan magaalada Beledweyne

Xiisad ayaa ka taagan magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan kadib markii shalay galab lagu dilay sarkaal u shaqeynayay hey'adda Qaramada Midoobay oo la oran jiran Mahdi xasan Shiikhaal.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada amniga ee maamulka gobolka Hiiraan inay dileen sarkaalkaasi inkasta oo aan la ogeyn sababta dhabta ee loo dilay. Magaalada ayaa waxaa soo buux dhafiyey Gawaadhida dagaalka iyo maleeshiyo beeleedyo iyagoo ka cadhaysan dilka marxuunkaasi.

Odayaasha Dhaqanka ayaa isku dayay inay xaalada dejiyaan inkastoo wali xiisadu taagan tahay.