Dheemankii ugu weynaa oo laga helay Botswana

Dheemankii mid un uu ka weynaa taariikhda adduunka ayaa laga helay dalka Botswana, sida ay sheegtay shirkadda Lucara Diamond.

Dheemankaas oo cabbirkiisu yahay 1,111 karaat, ayaa laga helay macdanta meesha laga qodo ee Karowe, oo 500km waqooyi ka xigta magaalada Gabarone.

Waa dheemankii ugu weynaa oo laga helo Botswana, waana kii ugu xajmiga weynaa ee la helo in ka badan qarni.

Dheeman cabbirkiisu yahay 3,106 karaat ayaa laga helay dalka Koonfur Afrika 1905-tii, kaas oo sagaal meelood loo qeybiyay, qaar ka mid ahna ay ku jiraan taajka boqoradda Britain.

Dadku waxa ay qiimeeyaan dheemanka la helo oo cabbirkiisu uu ka badan yahay 1,000 karaat, kan hadda la helayna waa kii ugu weynaa muddo qarni ah.

Shirkadda Lucara Diamond ayaa sheegtay in laba dheemanka cad ah oo aan caadi aheyn oo cabbirkoodu yahay 813 iyo 374 ayaa iyagana laga helay Karowe oo ah meel macdanta laga qodo.

Botswana waa dalka dheemanka ugu badan soo saara ka ganacsigiisuna waxa uu dalkaa gaarsiiyay inuu noqdo dal leh dhaqaale meel dheexaad ah leh.