Israa'iliyiin la dilay

Booliska Israa’il ayaa sheegay in shan Israa’iliyiin ah la dilay halka qaar kalana lagu dhaawacay weerarro kala duwan oo ay ka geysteen Falastiiniyiintu magaalada Tel Aviv iyo daanta galbeed.

Dhacdadii ugu horreysay ayaa ka dhacday Tel Aviv, booliska Israa’il ayaa sheegay in nin Falastiini ah uu toorrey ku dhuftaylaba nin oo Israa’iiliyiin ah, xafiis ku yaalla dhisme ka hor inta aanay xirin ciidammada ammnaaka ee Israa’il.

Waa weerarkii ugu horreeyay ee caynkiisa ah ee ka dhaca magaalada Tel Avib intii bil ah.

Booliska ayaa sheegay in saddex nin oo Israa’iilyiin ah la dilay tira kalana lagu dhaawacay meel u dhow deegaanka Avon Shlut, ee daanta galbeed kaddib markii Falastiiniyiinta ay ku fureen rasaas gaari bus yar ah.