Mali:Nin ka hadlay sidii uu ku badbaaday

Lahaanshaha sawirka Reuters

Mid ka mid ah shaqaalaha hotelkii caasimadda Mali ee Bamako jimcihii lagu weeraray, kaasi oo dhaawacmay, ayaa ka hadlay sidii uu ku badbaaday.

Ninkan, ayaa BBC-da u sheegay in ay u suurtogashay inuu xafiis galo, wuxuuna jiifsaday dhulka, iskana dhigay sida qof dhintay, iyadoo raggii hubeysnaa ay tooganayeen shaqaalaha iyo martida hotelka. Kaddib ayuu arkay mid ka mid ah kuwa weerarka soo qaaday oo galay jikada hotelka oo karsanaya hilib.

19 ruux, ayaa weerarka lagu dilay, kaasi oo ku dhamaaday markii ciidamada Mali iyo kuwa caalamiga ay xoog ku galeen hotelka.