Pope Francis oo magaalada Nairobi gaaray

Image caption Jaamacadda Nairobi ayuu kula kulmi doonaa qiyaastii hal milyan oo qof

Baadariga madaahibta Catholic-ga ee diinta masiixiyadda Pope Francis ayaa gaaray dalka Kenya oo ay uga bilaabaneyso booqasho afar maalin ah.

Baadarigan waxaa garoonka diyaaradaha ee JKIA ee Nairobi waxaa kusoo dhaweeyay madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo madaxda kale ee dalkaasi.

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Magaalada Nairobi waxaa laga buuxiyay boorar uu pope ka ku sawiran yahay

Booqashadiisaan ayaa ah tii ugu horeysay ee Afrika uu ku yimaado tani iyo markii uu xilka qabtay.

Inta ay u socoto booqashadiisa shanta maalin ah, Pope-ka waxaa la filayaa inuu ka hadlo isu dulqaadashada iyo sida loogu baahan yahay inay wada hadlaan muslimiinta iyo masiixiyiinta.

Image caption Pope ka waxaa loo diyaariyay meelo kala duwan oo uu booqanayo

Sababtya uu uga hadlaayo wadahadalka waxaa dhalisay weerar ay koox hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab ay dhowr jeer ku qaadeen dalka Kenya.

Weerarada waxaa ka mid ahaa mid lagu qaaday dhismaha ganacsiga ee Westgate oo ku dhowaad 70 qof ay ku dhinteen, iyo kii lagu qaaday jaamacadda garissa ee lagu dilay qiyaastii 150 qof.

Image caption Waxa uu la kulmi doonaa dadka fuqarada ah

Pope-ka waxa uu sidoo kale booqan doonaa, Ugandha oo weeraro dhowr ah ay ka dheceen iyo Jamhuuriyadda bartamaha Afrika oo ay ka taagan yihiin rabshado u dhexeeya Muslimiinta iyo masiixiyiinta.