AIDska oo ku korday Bariga Yurub

Lahaanshaha sawirka none

Hay'adda caafimaadka ee Qaramadda Midowbe ee WHO ayaa sheegtay in sanadkii 2014ka ay hay'addu diiwaan galisay tiradii ugu badneyd ee xaaladdo cusub ah ee dad qaba dulinka HIVga ee dhaliya Aidska ee Goboladda Yurub oo ay ku jirta bartamaha Eeshiya, ilaa iyo intii la bilaabay diiwaangalinta cudurka sanadkii 1980kii.

Hay'adda Qaramadda Midowbay ugu qeybsan caafimaadka ee WHO iyo Xarunta Yurub ee ka hortaga cuduradda ee ECDC ayaa bayaan ay wadajir u soo saareen ku sheegay in in ka badan 142 kun oo qof ee gobolka Yurub laga helay HIV sanadkii la soo dhaafay.

Lahaanshaha sawirka Thinkstock

Dadkaasi ayaa intooda badan waxay ku nool yihiin qeybta bari oo ka kooban shan iyo toban dal oo ay ku jiraan Ruusha, Ukareyn iyo Bartamaha Eeshiya.

Bayaankan ayaa waxaa uu dabasocdaa warbixin ay ka soo saartay Qaramadda Midowbay barnaamijkeeda AIDs oo muujiyay in virisku uu hoos u dhacay guud ahaan boqolkiiba shan iyo soddon ilaa iyo waxii ka danbeysay marka uu cudurkaani aadka u baahay sanadkii 2000.

Bayaanka WHO iyo ECDC ayaa waxaa lagu sheegay in kulanka taranka lamaanaha iyo irbadaha daraagiska lagu isticmaalo loo aaneynayo kororka HIVga.