Askar lagu dilay Masar

Lahaanshaha sawirka AFP

Warbaahinta Masar aya sheegtay in afar askari oo boolis ah lagu dilay meel magaalada Qaahira u dhow markii rasaas lagaga soo riday baabuur meesha marayey.

Barta internetka ee wargeyska dawladda Al-ahram ayaa wariyey in dableydaasi oo aan haybtooda la garan uu wajigu u daboolnaa ayna weerareen bar koontarool oo ku taal wadada weyn ee Gaza ee dhanka Koonfur galbeed ee caasimadda,waxaana meesha loo diray dambi-baarayaal.