Musuqmaamusq lagu helay shirikada sigaarka ee BAT

Lahaanshaha sawirka Reuters

BBC ayaa ogaatay oo heshay caddaymo muujinaya in la musuqmaasuqay oo laaluush lagu bixiyay howsha iyo shaqada shirikadda tobaakada ee loo yaqaano BAT.

Baaritaan la sameeyey ayaa lagu sheegay in shirikadan BAT ay lacago ku bixisay oo ay siisay siyaasiyiin iyo shaqaale kalena wadmada afrikada bari.

Lacagahan laaluushka ah waxaa loo bixiyay in lagula dagaalamo shirikadaha la tartama shirikada BAT iyo waliba shuruucda cabista sigaarka.

Xogtan waxaa bixiyay qof shirikada BAT u shaqaynayay oo hoosta ka dusiyay qoraal cadaymo ah.

Shirkadan BAT ayaa iyadana sheegtay inaysan u dulqaadan doonin musuqmaasuqa la sheegay

BAT waa shirikada shanaad ee ugu weyn UK