Weerar Al-Qacidada Yemen

Dagaalyahanada Al-Qacida ee Yemen ayaa la sheegayaa in ay weerareen oo muddo gaaban ay haysteen magaalada Jaar oo ah goob istaraataji oo aad muhiim u ah.

Ila wareed dowladda ka tirsan oo halkaa ku sugan ayaa laga soo xigtay isaga oo leh, kooxda waxa ay dishay nin taliye u ahaa ciidama maxali ah oo gudaha ka dagaalama, kadibna ay isaga baxeen goobta.

Waxa uu sheegay in dagaalyahanada dib ugu laabteen magaalada Zinjibar, oo ah meel ay dhawaan qabsadeen.

Dadka arrimahan taxliiliya ayaa sheegaya in xooggaga dowladda ay si aad ah uga adkaan jireen kooxda Al-Qacida.

Laakiin tan iyo markii dalkaasi uu ka dhacay dagaal sokeeye, ayaa kooxda waxa ay ka faa’iideysteen dhibaatada halkaa ka taagan, waxa ayna ku xoogeysteen gudaha.