UN oo duqeyneysa mucaaradka ADF ee bariga Congo

Lahaanshaha sawirka Luis Kawaguti
Image caption Howlgalka Nabadda ee UN ee Congo waxa uu awoodaa inuu weeraro dhammaan gabaadyada mucaaradka

Hay’adda Qaramada midoobeey ayaa waxa ay bilowday duqeymo ay diyaarado u adeegsaneyso oo ka dhan ah kooxda mucaaradka ee Ugandha ee ku dhuumaaleysaneysa bariga Jamhuuriyadda dimuquraadiga ee Congo.

Howlgalka waxa uu jawaab u yahay weerar ay kooxdaasi ADF Axaddii ay ku dishay qiyaastii 30 qof oo shacab ah.

Sanado aad u badan, Bariga Congo waxaa ka jirtay xaalad xun oo jahwareersan oo ay ka dambeeyaan kooxo hubeysan kuwas oo la sheegay inay dhacaan dadka deegaanada loogana faa’ideysto kheyraadka dabiiciga ah.

Kooxda mucaaradka ee Ugandha ee ADF waa mid ka mid ah kooxaha Muslimiinta ah ee gobolkaasi sida adag uga howlgala tani iyo markii laga saaray Ugandha 20 sano ka hor.

Qaramada midoobeey waxa ay fasax adag u haysataa in dalka DRC ay kula dagaallanto mucaaradka, tallaabadan oo kalena waa tii ay horey uga qaadeen kooxdii M23.

Laakiin arrinta ADF aa duma guuleysan, wada shaqeynta dowladda Kinshasa iyo UN maa ahayn mid wanaagsan.