Sacuudiga oo debcinaya sharciyada haweenka

Dalka Sacuudi Carabiya ayaa la sheegayaa in uu qorsheynayo in haweenka garoobka ah iyo kuwa seygooda ay dhinteen in arrimahooda ay ka madaxbanaanaan-doonaan oggalaanshaha ragga ehelkooda ah.

Sida ay sheegayaan warbaahinta maxaliga ah, wasiirka arrimaha gudaha ee dalkaasi, ayaa damacsan in uu u soo saaro haweenkaasi warqad aqoonis ah markii ugu horreysay.

Arrintan ayaa u suuragelinaysa haweenka in ay u madaxbanaan yihiin markii ay timaado arrimaha ay ka mid yihiin diiwaangelinta carruurta ee iskuulada, ama u dalbida hannaanka caafimaadka.

Dadka taxliiliya arrimahan ayaa sheegaya in horumarkan uu wiiqayo sharcigii raggu gacanta ku hayay, ee xubnaha dhediga ah ee qoyska, oo mushtamaca Muslimiinta aad ugu adkaa.