US oo 16 xubin oo ka mid ah FIFA dacweeyay

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption waxaa FIFA madaxdeeda loo haystaa in malaayiin dollar ay musuqmaasuqeen

Dacwad oogayaasha Mareykanka waxa ay dacwad ku soo oogeen 16 ka mid ah madaxda ciyaaraha kubadda cagta, kuwaas oo lala xiriirinaayo fadeexadda musuqmaasuqa FIFA, xiriirka kubadda cagta ee caalamka.

Dadkaasi waxaa ka mid ah shank amid ah xubnaha fulinta iyo kuwa horey uga mid ahaan jiray.

Xeer ilaaliyaha guud ee Mareykanka, Loretta Lynch, waxa ay sheegeysaa in inkabadan 20 sano dadkaasi ay ka shaqeynaayeen musuqmaasuq ay ka dhexwadeen xiriirka ciyaaraha ee dunida ugu caansan.

Waxaana lagu eedeynaayaan inay boqollaal milyan oo dollar oo laluusha ah qaateen. Waxa ay heerka musuqa FIFA ku qeexday mid food xun oo aan maangal ahayn.