Ururka OPEC oo kulmay

Lahaanshaha sawirka AP

Ururka dalalka batroolka dhoofiya ee OPEC ayaa go'aan ku gaadhay in halkeed lagu hayo xadiga saliida ay dibada u dhoofiyaan iyadoo wax soo saarka saliida ee OPEC uu marayo halkii ugu sareeysay.

Warkaasi OPEC ka dib qiimaha saliida ee caalamka ayaa hoos u dhacay iyadoo qiimaha barmiilka shidaalka ahi marayo $42,43.

Gudoomiyaha ururka OPEC Emmanuel Ibe Kachikwu ayaa sheegay in ururkoodu dib u kulmi doonaan inta ka horaysay kulankoodi caadiga ahaa ee bisha June haddii qiimaha shidaalku hoos u sii dhacay.