Ciidamada Turkiga oo Ciraaq gudaha u galay

Lahaanshaha sawirka AFP Getty Images
Image caption Turkiga ayaa waxa uu ciidamadan u diray meel ku dhow magaalada Musal

Turkiga ayaa boqollaal ka mid ah ciidamadiisa oo taangiyo ay wehliyaan u tallaabay dhanka dalka Ciraaq, gaar ahaan deegaanada ay maamulaan Kurdiyiinta.

Waxaa la sheegayaa inay halkaasi u joogaan sidii ay u tababari lahaayeen xoogagga kurdiyiinta Peshmerga ee dagaalka kula jira daacish.

Laakiin xukuumadda baqdaad ayaa tallaabadaasi ka carootay, waxayna ku tilmaamtay weerar aan la fasixin.

Mareykanka dhankiisa waxa uu sheegayaa in tallaabada ay ciidamada Turkiga kaga gudbeen xuduudda Ciraaq aysan qeyb ka ahayn howlgalka uu Mareykanka hogaaminaayo.

Turkiga waxa ay xiriir aad u dhow la wadaagtaan Kurdiyiinta Ciraaq, inkastoo kuwa Suuriya ay u aragto cadow.