Mucaaradka venezuela oo guulaystay

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption venezuela oo faraxsan

Mucaaradka dalka Venezuela ayaa ku guulaystay aqlabiyadda kuraasta baarlamaanka qaranka, iyaga oo meesha ka saaray xisbiga Shantiwadaaga ah ee Madaxwayne Nicolas Maduro oo dalkaasi ka talinayay mudo ku dhaw labaatan sano.

Shan saacadood kaddib markii ay codaynu xirantahay gudiga doorashada qaranku waxay ku dhawaaqeen in ay mucaaradku ku guulaysteen 99 kursi.

Xisbiga hantiwadaaga ahna wuxuu ku guulaystay 46 kursi, 22 kursi oo kale ayaan wali lagu dhawaaqin.

Madaxwayne Maduro wuxuu qirtay in laga guulaystay, wuxuuna sheegay in xisbigiisu uu aqbalayo natiijadan.