Xoolo dhaqatada oo loogu baaqay in ay dhimaan antibiyootiga

Image caption daka qaar xoolaha ayay siiyaan antibiyootik si ay durba u koraan

Beeralayda ayaa looga baahanyahay in ay si aad ah u dhimaan dawooyinka antibiyootiga ah ee loo isticmaalo xoolaha sida lagu sheegay warbixin.

Qaar ka mid ah caabuqyada ayaa noqonaya kuwo qarka u saran in aan sinaba loo dawayn Karin, sababtuna waxay tahay dawooyinka antibiyootiga ah ee aadka loo adeegsado.

Dawooyinka antibiyootiga ah ee adduunka oo dhan laga isticmaalay kala bar ka mid ah waxaa loo isticmaalay xayawaan si ay durba u koraan.

Qolyaha dib eegista ku sameeya xanuunada antibiyootiga u adkaysta waxay ku baaqeen xaddi cusub oo antibootik ah oo ay tahay in la isticmaalo.

Halista wayn ee isticmaalka antibiyootiga loo isticmaalo xoolaha waxaa lagu arkay dalka Shiinaha bishii hore.

Saynisyahanadu waxay ka digayaan in adduunku uu joogo meel dawooyinka antibiyootiga ah aysan waxba ka taraynin cudurada.