Xaalada caasimada Burundi oo kacsan

Qaraxyo iyo rasaas ayaa xalay ilaa saaka oo dhan laga maqlayey magaalo madaxda dalka Burundi ee Bujumbura, halkaasi oo wararku sheegayaan in la weeraray saldhigyo milatari.

Nin lataliye u ah madaxtooyada Burundi ayaa sheegay in kooxo kacdoon wadayaal ah ay isku dayeen in ay maxaabiis xoog kula baxaan balse arrintaasi laga hortagay.