Malala oo cambaareysay hadalka Trump

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Trump waxa uu ka mid yahay musharrixiinta ugu cadcad

Gabadha ku guuleysatay abaalmarinta nabadda ee NobelKA, Malala Yousafzai waxa ay cambaareysay hadalka ka soo yeeray mid ka mid ah musharrixiinta u taagan xilka madaxweynaha mareykanka ee xisbiga Jamhuuriga Donald Trump.

Trump ayaa waxa uu sheegay in uu muslimiinta ka mamnuucayo Mareykanka haddii xilka madaxweynaha loo doorto.

Gabdhan oo 18 sano jir ah una ololeysa arrimaha waxbarashada, waxa ay dadka u sheegtay in muslimiinta oo dhan aysan ku eedeyn waxa ay ugu yeertay argagixiso.

Waxa ay intaa ku dartay in kala sooca noocaan ah uu sababayo oo keli ah in dadbadan ay ku biiraan kooxahan.

Hadalkaasi waxa ay ka jeedisay munaasabad lagu qabtay magaalada Peshawar ee dalka Pakistan oo lagu xusayay sanadka laga joogo dilkii 145 ardey oo kooxda Taalibaan ay ku weerartay iskuulkooda.