Daacuun ka dillaacay xeryaha Dhadhaab

Somalis in Dadab Lahaanshaha sawirka Wairimu Gitahi
Image caption Soomaalida Dhadhaab qaarkood

Hay'adda caafimaadka ee dhakhaatiirta aan xuduudda ( MSF ) lahayn ayaa sheegtay in Daacuun uu ka dillaacay xerada qaxootiga ee adduunka ugu weyn ee dalka Kenya.

Hay'addu waxay sheegtay in toddoba qof ay u dhinteen cudurkaas in ka badan 540 qofna uu soo ritay.

Hay'adda samafalku waxay sheegtay in roobab xoog leh oo da'aya ay dhici karto inay xaaladda uga sii daraan.

MSF waxay sheegay inay xarun daacuunka lagu daweeyo ka furtay xeryaha Dhadhaab, oo ay ku jiraan dad ka badan 300 kun oo qaxooti ah oo badankoodu ka yimid Soomaaliya iyo Suudaanta koofureed.