Midowga Afrika oo ciidan u diraya Burundi

Burundi soldiers Lahaanshaha sawirka
Image caption Askar ka tirsan ciidanka Burundi

Madax ka tirsan Midowga Afrika oo ku sugan xarunta ururka ee Addis Ababa ayaa ansixiyay qorshe qabya ah oo ah in ciidan nabad ilaalineed loo diro dalka Burundi si ay u difaacaan dadka rayidka ah, xataa iyadoo dowladda dalkaasi aan oggolaansho laga helin.

Sida laga soo xigtay diblomaasi ka tirsan Midowga Afrika, waxaa la ansixiyay ciidan tiradiisu dhan tahay shan kun oo askari in Burundi la geeyo, taas oo ay oggolaadeen golaha ammaanka iyo nabadgelyada ee Midowga Afrika.

Hase yeeshee go'aankaasi waxaa uu u baahan doonaa inay ansixiyaan golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, madaxweyneyaasha waddammada xubnaha ka ah Midowga Afrikana waa inay oggolaadaan wixii ciidan la geynayo Burundi iyadoo dowladda dalkaas aan oggolaansho laga helin.

Qaramada Midoobay waxay sheegtay in ugu yaraan 400 qof lagu dilay dalka Burundi tan iyo markii uu madaxweyne Pierre Nkurunziza go'aanka ku gaaray bishii April inuu mar 3aad madaxtinimada u tartamo.