Quwadaha caalamka oo ka shiraya Suuriya

UN meeting Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Kulan Qaramada Midoobay

Dalalka ugu awoodda badan caalamka ee kulanka ku leh magaalada New York ayaa dhibaato ka haysataa xal u helida kala qaybsanaantooda ku aaddan qorshe weyn oo u jeedadiisu tahay in lagu soo afjaro dagaalka sokeeye ee ka taagan Suuriya.

Wasiirrada arrimaha dibadda ee 17 dal ayaa isku deyaya inay isku raacaan tafaasiil awood u siin doonta qaraar qabya ah oo loo gudbiyo golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay caawa.

Qorshahan ayaa tilmaamaya jadwal guud oo lagu sameynayo dhisidda dowlad mideysan oo Suuriya ay yeelato ugu dambeyna ay dhacdo doorasho.

Arrintaan ayaa waxaa riixaya dalalka taageeraya dowladda iyo mucaaradka Suuriya.

Dhinaca kale, lataliye madaxweyne Asad oo lagu magacaabo Bouthaina Shabaan ayaa sheegtay in dowladdu diyaar u tahay inay mucaaradka wada ahdal la yeelato muddo toddobaad gudihiis ah laakiin marka hore ay tahay in la arko cidda mucaaradka ah ee diyaarka u ah inay dowladda la hadasho.

Waxay sheegtay in quwadaha shisheeye aanay xaq u lahayn inay go'aamiyaan mustaqbalka madaxweyne Bashar al-Assad. Maraykanka iyo xulafadiisa waxay ku doodayaan in loo baahan yahay in meel uun uu madaxweynaha Suuriya xukunka uga dego taas oo qayb ka ah xal u helidda dhibaatooyinka dalkaas.