Dowladda Itoobiya oo lagu eedeeyey dil

Lahaanshaha sawirka AFP

Hay'ada xuquuqul insaanka u dooda ee Human Right Watch ayaa sheegtay in booliska dalka Itoobiya ay dileen dad tiradoodu ay gaarayso 75 qof tan iyo intii ay bilowdeen dibadbaxyada bishii la soo dhaafay.

Banaanbaxyadan ayaa looga soo horjeedaa dhulbalaarin la doonayo in lagu sameeyo caasimada dalkaasi ee Addis Ababa.

Dowlada ayaa iyadu sheegtay inay dhinteen oo kaliya shan qof.

Dadkan dibadbaxaya ayaa u badan qowmiyada Oromada.

Dadka Oromada ah ayaa ku andacoonaya in dhulkan duurka ah ee la doonayo in caasimadda Addis Ababa lagu balaariyo ay sababi karto in beerahooda ay ku waayaan.

Dowlada Itoobiya ayaa sheegaysa in dadkan dibadbaxaya ay shacabka argagaxiyeen.

Hay'ada Human Rights Watch waxay dowlada ku eedaynaysaa in jawaabta ay ka bixisay dibadbaxyadan ay sababtay inuu dhiig badan daato