Taalibaan oo weerartay goob istaraatiiji ah

Image caption waxaa soo baxaya warar is khilaafsan oo ku saabsan cidda gacanta ku haysa magaalada

Ururka Taalibaan ayaa weerar ku qaaday saldhiga looga taliyo booliiska ee ku yaala magaalada istaraatiijiga ah ee Sangins sida ay saraakiil sheegeen.

Balse waxaa jira warar is khilaafsan oo ku saabsan cida gacanta ku haysa degmadaasi fog oo ku taala gobolka Helmand.

Gafernatooraha Helmand iyo booliiskuba way beeniyeen wararka Taalibaan ee sheegaya in ay iyagu maamulaan magaaladaasi.

Sangin waxay marar badan gacanta u gashay ururka Taalibaan, dagaalada halkaasi ka dhacana waxay sababeen waxyeelooyin badan oo soo gaaray ciidammada Afghanistan iyo kuwa caalamiga ahba.

Dhanka bari, Taliban waxay weerar ku qaadeen meel u dhaw Bagram isniintii, halkaas oo ay ku dileen lix askari oo Maraykan ah.

Weerarkaasi wuxuu ahaa mid ka mid ah weerarkii ugu xumaa ee lagu qaado ciidammada ajaaniibta ah ee ku sugan dalka Afghanistan.

Saddex gantaal ayaa iyadadana lagu riday magaalada Kabul habeenimadii Isniinta.

Ilaa 12,000 oo ciidammo ajaaniib ah ayaa la geeyay iyaga oo qayb ka ah, xulafada caalamiga ah ee ay Nato hogaaminayso si ay u xoojiyaan ciidammada dalka Afghanistan.