Diyaarad ku burburtay Hindiya

Image caption goobta ay diyaaraddu ku dhacday

Diyaarad ay leeyihiin ciidamada ilaalada xadka ee dalka Hindiya ayaa ku dacday darbi ku yaala degmada Dwarka halkaas oo uu dab ku qabsaday.

Diyaaraddu waxay waday ciidammada ilaalada xadka sida ay sheegeen saraakiishu.

Bishii May ee sanadkii 2011-kii toban qof ayaa dhintay kaddib markii ay dhacday diyaarad yar oo caafimaad oo waday qof aad u xanuunsan. Diyaaraddaasi waxay ku dhacday magaalada Faridabad oo u dhaw Delhi.

Diyaaraddani dhacday manta oo talaado ah waxay ka duushay garoonka caalamiga ah ee Delhi, waxayna ku sii jeeday magaalada Ranchi oo ku taalada gobolka bari ee Jharkhand.

Diyaaraddu waxay dhacday waxyar uun kaddib markii ay farsamoyaqaanadu waayeen xiriirkii ay la samaynayen hagayaasha dhulka jooga.