Louis van Gaal oo Shir Jaraaid isaga baxay

Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Louis van Gaal

Tababaraha uu culaysku haysto ee Manchester United Louis van Gaal ayaa saddex su’aalood oo kali ah ka jawaabay kahor inta uusan isaga bixin shir jaraaid oo uu arbacadii qabtay.

64 jirkan reer Holand kuma uusan faraxsanayn in la waydiiyo mustaqbalkiisa kaddib markii la isla dhexmaray in uu shaqada ka tagayo.

Shir jaraaid oo uu uga hadlayay ciyaarta ay Stoke la yeelanayaan sabtida ayaa qaatay shan daqiiqo oo kali ah kaddibna wuuba iska baxay.

Tababarihii hore ee Netherlands, ayaa sheegay in uu saxafiyiinta u horyimid ilaalinta shuruuxda Premier League, ee uusan si kale ulaba hadleen.

Kooxda Manchester United ma aysan badinin lix ciyaarood, saddexdii ciyaarood ee u dambaysayna waxaa ka kala badiyay Wolfsburg, Bournemouth iyo Norwich.