Doorashadda CAR oo dib loo dhigay

Image caption Kumannaan qof ayaa ka baracakay colaada Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika

Doorashada guud ee lagu waday in ay Axada soo socota ka dhacda dalka Jamhuuriyada Bartamaha Afrika ayaa dib loo dhigay muddo saddex maalmood ah.

Ra'iisul wasaaraha dalkaasi Mahamat Kamoun ayaa sheegay in qalabka doorashada aan weli la gaarsiin goobaha qaar, shaqaalaha guddiga doorashadana ay u baahan yihiin tababaro dheeraad ah, si ay habsami ugu dhacdo codbixinta.

Ku dhawaad 2 milyan oo qof ayaa u diiwaangashay in ay codkooda ka dhiibtaan doorashada soo socota.

Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika ayaa waxaa tan iyo sanadkii 2013-ka ka socday colaad ay ku dhinteen kumannaan qof, ayna ku barakaceen ku dhawaad nus milyan qof.