Qaraxyo ka dhacay magaalada Homs

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Homs

Tiifiiga Qaranka Suuriya ayaa sheegay in ugu yaraan 14 qof ay dhinteen tobaneeya kalana ay ku dhaawacmeen qaraxyo bambaano oo ka dhacay magaalada Homs oo ay dawladdu gacanta ku hayso.

Waxaa jira warar sheegaya in halkaasi ay ka dhaceen ugu yaraan laba qarax.

Ilaa hadda makala cadda ciddii weerrarkan bambaano ka dambaysay.

Horaantii bishan kooxda isugu yeerta Dowladda Islaamiga ah ayaa sheegtay in ay ka dambeysay weerar noocaas oo kale ah oo ka dhacay magaalada Xums, weerrarkaasi oo galaaftay nolosha ugu yaraan 16 qof.