Waardiyihii hore ee Bin ladin oo geeriyooday

Image caption Wuxuu ku lug lahaa dagaalo ka dhacay Soomaaliya, Bosnia iyo Afghanistan

Nasser al-Bahri oo ahaa waardiyihii hore ee Osama Bin Laden ayaa geeriyooday isaga oo muddo dheer xanuunsanaa, dad waaxda caafimaadka ee Yemen ka tirsan ayaa sidaasi BBC u sheegay.

Waxay sheegeen in Bahri, oo Yemeni ah uu geeriyooday Sabtidii isaga oo ku sugnaa Isbitaal ku yaala magaalada Koonfurta ku taala ee Mukkala, waxaa la rumaysanyahay in uu da’da afartameeyada ku jiray.

Bahri, oo sidoo kale loo yaqaanay Abu JAndal, wuxuu ahaa darawalkii madaxii hore ee Al-Qaacida markii uu Afghanistan ku sugnaa.

Bahri waxaa xabsiga Guantanamo Bay laga siidaaay dalka Yemen-na lagu celiyay 2008-dii.

Wuxuu ku luglahaa weeraro ay malayshiyaadka Islaamiyiinta ah ka gaysteen Bosnia, Soomaaliya, iyo Afghanistan sagaashameeyadii, laakiin markii dambe wuu ka haray Afkaarta Al-Qaacida.

Bin Laden waxaa dilay ciidammada gaarka ah ee Maraykanka kaddib markii ay weerar ku qaadeen gurigii uu ku sugnaa oo ku yaalay magaalada Abbottabad, ee dalka Pakistan, bishii shanaad ee 2011.