Dalka Afrikada Dhexe oo doorasho ay ka dhacayso maanta

Lahaanshaha sawirka

Dalka Afrikada Dhexe ayaa maanta waxaa ka dhacaysa doorashada madaxweynaha iyo tan baarlamaanka

Waxaa lagu wadaa in doorashadani ay soo afjarto dagaaladii dalkaasi ka socday labadii sano ee la soo dhaafay

Waxaa doorashadan ku tartamaya sodon musharax oo xilka madaxweynenimada doonaya

dalka Afrikada dhexe waxaa mudaba ka socday dagaalo diimo ku salaysan

ilaa hal milyan oo qof ayaa dagaaladaasi ku barakacay boqolaal kalena waa ay ku dhinteen