Macdan-qodayaal la raadinayo dalka Shiinaha

Lahaanshaha sawirka AP

Kooxaha gurmadka dalka Shiinaha, ayaa isku dayaya in ay soo badbaadiyaan ilaa sideed macdan qode oo ku xaniban dhulka hoostiisa kadib markii maalintii Jimcaha uu ku dul burburay godkii ay macdanta ka qorayeen.

Waxay ku guulaysteen in ay cunto iyo nalal gaarsiiyay, iyagoo godad ay qodeen ku gaarsiiyay, balse waxaa howlaha gurmad hakiyay dhagaxyo waawayn oo ku daatay iyo biyo ku butaacay.

Sagaal macdan qode ayaa wali la la'yahay, mid ayaa la ogyahay in uu dhintay.

Ninkii lahaa macdanta ayaa isdilay dhowr maalmood ka hor.

Baaritaan dambiyeed ayaa hadda socda si go'aan looga gaaro in dayacaad ay ka dhalatay masiibada.