Madaxweyne Kagame oo mar 3aad tartamaya

President Paul Kagame Lahaanshaha sawirka
Image caption Madaxweyne Paul Kagame

Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame waxaa uu sheegay inuu mar 3aad isu-taagayo jagada madaxweynaha sanadka 2017.

Arrintani waxay imanaysaa kaddib markii ay dadka codka bixiyay ansixiyeen afti madaxweynaha u oggolaanaysa inuu dib u doorasho raadsado marka ay dhammaadaan labadiisii xilli asalka ahaa.

Madaxweyne Kagame waxaa uu awoodda dalkaas qabtay kaddib xasuuqii Rwanda ka dhacay sanadkii 1994, waxaana markii ugu horreysay madaxweyne loo doortay sanadkii in 2003.

Isbeddelka dastuurka lagu sameeyay waxaa uu madaxweyne Kagame u oggolaanayaa inuu sanadka 2017 u tartamo toddoba sano oo dalkaas uu sii xukumo iyo inuu markaasi kaddib isu-taago laba xilli oo min shan sano ah.

Maraykanka iyo Midowga Yurub ayaa dhaleeceeyay natiijada aftida iyagoo sheegay inaan codbixiyeyaasha la siin waqti ku filan si ay u qaataan go'aan la soo gorfeeyay.