Al-shabaab oo soo duubay muuqaal

Image caption al-shabaab

Ururka Al-Shabaab ayaa soo saaray muuqaal borobogaando ah oo uu ka muuqdo ninka rajaynaya in uu noqdo madaxwaynaha dalka Maraykanka, Donald Trump.

Waxay soo qaateen baaqiisii uu dhawaan ku sheegay in Muslimiinta laga hor istaago in ay soo galaan dalka Maraykanka.

Ururka Al-shabaab oo xiriir la leh Al-Qaacida muuqaalkoodani wuxuu ku wajahanyahay Maraykanka Madaw, waxayna ugu baaqayaan in ay Muslimaan oo ay ku soo biiraan Jihaadka.

Waxay sheegeen in dalka Maraykanka uu ku badanyahay midabtakoorka, tacadiyada booliiska, iyo waxyaabaha Musliminta lagaga soo horjeedo.

Waaxda ol'olaha doorashada u qaabilsan Donald Trump wax war ah kama aysan soo saarin muuqaalkan